Madaxweyne Farmaajo oo oo si kulul uga hadlay qarixii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku dhintay qaraxii qasaaraha badan geeystay ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay Saq dhexe ka hadlay qaraxaasi ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku geeriyooday qaraxaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu galiyay muddo 3 Bari oo Baroor diiq qaran ah islamarkaasina calanka hoos loo dhigayo.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u mudoobaan dadka qaraxyada dadka shacabka ah ku leeynaya.

Hoos ka Daawo Hadalka Madaxweynaha 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho