Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, isagoo xusay in falkaan uu muujinayo Arxan darrada Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.
Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa cambaareeyey qaraxa dadka badan ay ku waxyeeloobeen oo Alshabaab ay ka geeysteen Magaaladda Muqdisho, iyagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Hoos ka Daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST