PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Hay,addaha Amniga Puntland oo daba-gal ku haya shaqsiyaad jira Muqdisho.

Share

Hay,addaha Amniga Dowlada Puntland ayaa wada qorshe maxkamadda looga codsanayo in baaritaan lagu sameyn karo akoonada bangiyadda ay ku leeyihiin xubno jooga Muqdisho oo u dhashay Puntland kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin abaabulka kacdoon ka dhan ah Puntland.

Saraakiil ka tirsan Hay,adda PIA ayaa laga soo xigtay inay jiraan shakiyo aan buurneyn oo ku qotoma shaqsiyaad u dhashay Puntland oo maleegaya qorshayaal lagu majaxaabinayo maamulka Puntland .

Baaritaankan oo hadda miiska saaran sida ay ogaatay PUNTLAND POST ayaa saameyn ku yeelan doona dadka lagu tuhunsan yahay, hantidooda maguurtada, sheerar ay ku leeyihiin shirkaddaha iyo Aqoonsiga dhalashada Dowladaha hoose ee Muwaadinimada,haddii falkani ku cadaado.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in daba-galku kasoo bilowday dhanka Telefonada, Waxaana muuqata inuusan weli dhamaystirnayn tan iyo inta ay maxkamaddu ka ogolaanayso in baaritaan lagu sameyn karo Akoonadooda dadka laga shakisan yahay.

PUNTLAND POST faahfaahin kama helin magacyadda shaqsiyaadka la tuhmayo iyo darajada xilalka ay hayaan, balse arrintan ayaa la rumaysan yahay inay daba socoto khilaafka ka dhexjira maamulladda dalka iyo Dowlada Federalka Somalia.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

1 comment

  1. 1980kii ayaa inta la’iga soo xiray oo la’iga soo afduubay Ruwalabindi , Pakistaan, ayaa xabsigii nabad sugidda ee Xamar waxaa la’igu weydiiyay”Magaalada Passport-ka kuugu dhigan ma ku dhalatay, misse waad ka dhalatay.
    Maanta Puntland tiiyoo kale ayey keentay. Waa maxay dadka gobolka u dhashay oo aad sheegeysaan? Qabiilkii la’is lahaa ka baxa ayaad shacabka ku soo celiseen. Maxaadaxda iyo maamulayaalka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedddada Soomaaliya immisaa bank account ku leh, ganacsina uga jira gobolla kala baddalan ee Soomaaliya iyo dalal dibadeed? Haddii taasi dambi tahay, dhammaantiin dambiilayaal baa tihiin.

Leave a Reply