Mombasa (PP) ─ Warbaahinta Kenya ayaa shaaciayay in si degdeg ah ay u cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mombasa mid ka mid ah diyaaradaha Shirkadda Turkish Airlines, kaddib markii ay matoorka ay lama filaan uga gashay shimbir.
Diyaaradan ayaa kusii jeeday Magaalada Istabul, waxay siday rakaab lagu sheegay tiradooda 121 qof oo isugu jiray Turki iyo Dadyow kale oo ku kala socday dalal kala duwan.
Sidoo kale, Diyaarada ayaa la sheegay inay Shimbiri ka gashay mid ka mid ah labadeeda matoor, taasoo keentay inay diyaaradda ku timaaddo cilad aan la filayn, waxayna taasi ku qasabtay inay cagag-dhigato Moi Airport oo ku yaalla Mombasa.
Rakaabka dyaaradda saarnaa ayaa sheegay in cabsi weyn ay dareemeen markii ay diyaaraddu qal-qal-gashay, iyagoo xusay inay yaabeen, balse ay markii dambe u sheegeen shaqaalaha diyaaradda in ciladi ay jirto.
Dhanka kale, Saraakiisha Garoonka Moi ayaa xaqiijiyay in diyaaradaas ay muddo Saacad ah dul-wareegeysay Hawadda Mombasa si loo dhameeyo shidaalka ku jira diyaaradda.
Ugu dambeyn, Duuliyaha diyaarada ayaa si nabad ah u badbaadiyay gabi ahaan rakaabkii saarnaa diyaarada, kaddib markii uu garoonka fariisiyay, waxaana laga dajiyay diyaaradda rakaabka oo cabsi badan qabay, inkastoo markii la cillad-bixiyay ay duulimaadkeedii sii wadatay.
PUNTLAND POST