Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wata gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan In xalay saqdii dhexe ay la wareegeen deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.
Waxaa la xaqiijiyay in Ciidamadii Dowladda Soomaliya ee halkaas ku sugnaa mudooyinkii dambe in xalay saqdii dhexe ay isaga baxeyn.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in deegaankaasi ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dhowr jiha ka galay deegaankaasi Istiraatiijiga ah.
Deegaanka Bariire waxaa Todobaadkii ayn u soo dhaafnay booqday Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cirfdiid kaasi oo khamiistii iska casilay xilkii.
Deegaanka Bariire oo waa deegaan istiraatiiji ah waxa uu qiyaastii (52)KM dhanka Konfur Galbeed kaga beeganyahay magaalada Muqdisho,deegaankaan waxaa Shan iyo Toban Maalin ka hor ka dhacay dagaal qorsheysan oo ciidamada Shabaab ay ku dileen ku dhawaad Boqol askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ay tababartay dowlada Mareykanka.