30 Ruux oo ku Dhimatay Qarixii Ka dhacay Muqdisho

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso Qarax Qasaare Geeystay oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxaan oo ahaa gaari nooca Soomaalida u taaqano TM ee Xamuulka qaado ayaa isku qarxiyay meel aan sidaasi u ga fogeeyn isgooyska Zoome ama KM5 ee Muqdisho.

Qaraxaani ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

ku Dhowaad 30 Ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi kuwaasi oo ah dad rayid ah oo qaar kamid ah wadada marayay.

meesha qaraxa uu ka dhacay ayaa aheyd meel aad u mashquul badan islamarkaasina ah meel ay dadka iyo gaadiidkaba ay aad u siticmaalaan.

Qaraxaan maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa ee abid inta la xasuusto ka dhaco Muqdisho waxaana laga yaabaa in qasaaraha uu intaasi ka badanyahay.

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho