Cadaado (PP) ─ Waxaa degmada Cadaado ee Xarunta Galmudug ka socda Wada-hadallo u dhexeeya Hogaamiyaha Maamulka, Ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen.
Wadahadalka ayaa ka socd Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado, waxaana ka dhex shaqeynaya mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhexeeyo Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo Odayaal-dhaqmeen.
Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada wada dadaalka ayaa sheegtay in wadahadalka uu maraayo meel wanaagsan, isla markaana ay rajadu tahay mid aad u wanaagsan.
Sidoo kale, Waxay Xildhibaanadu sheegtay in inta badan wadahadalka uu yahay mid goobi gooni ah, oo la doonaayo in mas’uuliyiintu ay ku xaliyaan khilaafkooda.
Xildhibaan Caasho, ayaa intaas ku dartay inay rajo wanaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamul-goboleedka Galmudug ay xal ka gaari doonaan, maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan.
Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa nasiib-daro ku tilmaantay in Xildhibaanada qaarkood ay la kala safteen Madaxda uu khilaafka u dhexeeyo.
Ugu dambeyn, dhammaan arrimahaan is biirsaday ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha maamulka uu dhawaan sheegay in Maamulkiisa ay faragelin ku hayaan Madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
PUNTLAND POST