Nairobi (PP) ─ Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga ayaa difaacay go’aankii uu uga baxay tartanka doorashada madaxtinimada. Raila oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inuusan doonayn ka qeyb-galka doorasho lasii go’aamiyay cidda ku guuleysanaysa.
“Kenya nabad kama dhacayso inta ku shubashada doorashada ay socoto,” ayuu yiri Raila Odniga oo Taageerayaashiisa ay weli wadaan dibadbaxyo ay ka dhigayaan Nairobi iyo galbeedka Kenya, ayagoo diidan go’aan lagu mamnuucay isu soo baxyada.
Deegaan ku yaalla Galbeedka Kenya la sheegayaa in Booliiska ay Toogteen laba qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha mucaaradka. Deegaankaan Dadka lagu dilay-na waa meesha uu ka soo jeedo Raila ee Bondo.
Sidoo kale, Mucaaradka Kenya waxay dalbanayaan in isbeddel lagu sameeyo Guddiga Doorashada Wadanka Kenya oo ay ku eedeynayaan inay masuul ka ahaayeen qaladkii ka dhacay doorashadii August.
Doorashadaas waxaa wax kama jiraan ku Tilmaamtay Maxkamadda Sare ee Kenya oo sheegtay in qaladaad la sameeyay markii tirinta ay billaabatay.
Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa hadda diiday inuu ka qayb-galo doorashada ku celiska ah ee dhacaysa dhammaaka bishaan lagu jiro. taageerayaashiisa ayuuna u sheegay inay dibad-baxaan illaa shaqada laga joojinayo xubno ka mid ah guddiga.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Guddiga doorashada ayaa sheegay in codeynta u dhicidoonto sidii loo Qorsheeyay oo ah 26-ka bishan.
PUNTLAND POST