Booliiska Kenya oo Toogasho ku Dilay Laba ka mid ah Taageerayaasha Mucaaradka NASA

Nairobi (PP) ─ Booliiska Kenya ayaa sheegay in maanta oo Jimco ah ay ku dileen toogasho laba ruux oo ka mid ah taageerayaasha mucaaradka, kuwaasoo ay sheegeen inay waxyaabo qarxa iyo dhagaxaan ku weerareen saldhig ku yaalla galbeedka dalka Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo laga sameeyo qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Kenya, sida magaalada caasimada ah ee Nairobi, iyadoo la sheegay in sidoo kale booliisku ay dhaawaceen saddex qof oo kale.

Taliyaha ciidamada booliiska Bondo ee Gobolka Siaya       ee dalka Kenya, Paul Kiarie ayaa warbaahinta u sheegay in saddex qof ee la dhaawacay ay ka mid ahaayeen taageerayaasha mucaaradka, kuwaasoo isku dayay inay booliiska weeraraan.

Jimcaha maanta ah ayaa magaalooyinka ugu Waa-weyn Dalka Kenya waxaa lagu arkayay ciidammo fara badan, kuwaasoo la sheegay in looga hortagayo in dibadbaxyo ay ka dhacaan, sidoo kalena waxaa maanta xirnaa inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada Nairobi iyo Mombasa.

Booliiska ayaa la sheegay in dibadbaxayaal isugu soo baxay xarunta Kenya ee Nairobi u isticmaaleen gaaska dadka ka ilmeysiiya, inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhacay.

Sidoo kale, Xildhibaan ka tisran Isbahaysiga NASA ee Kenya oo magaciisa lagu sheegay Cabdulsamad Shariif Nasir ayaa Warbaahinta u sheegay inay Ciidamada Booliiska Mombasa Gaaska dadka ka ilmeysiiya u isticmaaleen dibadbaxayaan tiro yar oo isugu soo baxay bartamaha magaaladaas.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in booliiska Kenya ay toogasho ku dileen 37-qof, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii Ogoosto ee sannadkan, inkastoo ay ku gacan-sayrtay dowladdu hadalka kasoo baxay hay’adahan.

Ugu dambeyn, Mamuucidda dibadbaxyada ay dhigayaan mucaaradka oo ka soo horjeeda doorashada cusub ee la qabanayo 26-ka bishan Oktoobar ayaa cabsi weyn gelisay ganacsatada iyo bulshooyinka ku nool dalka Kenya.

PUNTLAND POST