Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Go’aannadii laga soo Saaray Shirkii Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday iyo sida uu noqon doono xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada Somalia ka jira.

C/weli Gaas oo la hadlayay VOA-da ayaa la waydiiyey dhawr su’aalood oo ay ka mid ahaayeen; In dastuurka dalka ay waafaqsan yihiin go’aannadii ay ka soo saareen shirkooda iyo inay wadahadallo la yeelan doonaan Dowladda FS iyo in kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay iyaga mar kasta ku taagan yihiin dastuurka, isla markaasna ay diyaar u yihiin in lagu dhaqmo, wuxuuna xusay inaysan dagaashaneyn Dowladda iyo Maamul-goboleedyada, balse la iskum fahmi la’yahay arrimo uu ku tilmaamay inay yihiin Masiiri.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya mar walba wada-hadlaan, isla markaasna aysan diidaneyn wada-shaqeynta Dowladda kala dhexeysa.

Waxaa kaloo la weydiiyay; Waxa ku jaban inay taageeraan go’aanka dowladda ee dhexdhexaadnimada ah iyo haddii ay wax faa’iido ah ku qabaan taageerada ay u muujiyeen Dowladda Imaaraadka ayuu wuxuu ku jawaabay inaysan Dowladda Dhexe Arrinta Khaliijka dhex-dhexaad ka aheyn laakiin ay la safatay Xukuumadda Qatar.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa loo doortay inuu Hoggaamiyo golaha cusub ee ay ku midoobeen maamul-goboleedyada Somalia ka jira, iyadoo uu ku xigeen u yahay madaxweynaha HirShabelle.

DHAGEYSO; Wareysiga VOA-du la yeelatay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas;

PUNTLAND POST