Weerar ay fuliyeen Kooxo hubeysan oo lagu dilay Shaqaale Jaamacadeed oo Keenyaan ah

Mombasa (PP) ─ Ugu yaraan laba qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacad ku taalla Koonfurta magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa toogasho lagu dilay, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen gaari ay la socdaan oo ku sii jeeday xarunta Jaamacadda, sida uu sheegay taliye booliis.

Dableyda weerarkan geystay ayaan weli la ogaan kooxda ay ka tirsan yihiin. Iyadoo booliiska deegaanka Kwale ee Mombasa ay sheegeen in Jaamacadda ay ka tirsnaayeen labadan qof lagu magacaabo Jaamacadda Mombasa.

Ammaanka deegaanka ay Jaamacaddu ku taallo ayaa ah mid liita, iyadoo ay dhawr jeer oo hore weerarro khasaare geystay ay ka fuliyeen kooxo dabley ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Sannadkii 2015-kii, dabley ka tirsan Kooxda Al-shabaab ayaa 148 arday ku dilay Jaamacadda Gaarisa, weerarkaas oo keenay in ardaydii wax ka baran jiray jaamacaddaas ee ka badbaaday weerarka ay diideen inay Jaamacadaas wax ku bartaan.

Warka ayaa intaas ku daray in weerarka labada ruux lagu dilay uu dhacay aroornimadii hore ee Saakay oo Talaado ah, sidoo kalena Weerarkaas lagu dhaawacay  darawal iyo askari oo booliis ah.

“Aroornimadii hore ee saakay waxaa la weeraray bas arday u waday TUM oo ah jaamacadda Mombasa, waxaana dableydu ay weerareen iyagoo waddada ku jira,” ayuu yiri Joseph Chebusit oo ah taliyaha ciidamada deegaanka uu dilku ka dhacay oo la hadlayay Warbaahinta.

Chebusit ayaa intaas ku daray. “Kooxda weerarka geystay tiradooda 10 qof ayaa lagu sheegay, markii ay rasaasta ku fureen gaarigana goobta way ka baxsadeen, waxaana dhintay laba qof, laba kalena way dhaawacmeen.”

Taliyaha oo sii hadayay ayaa sheegay in kooxahan ay wateen laba gaari ayna goobta dhawr jeer mareen saaka, ka hor intii weerarkan geysan aysan geysan. Isagoo xusay in haatna ay baaritaanno wadaan, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan dableydii weerarkaas geystay.

Ugu dambeyn, Gabar la socotay gaariga la weeraray ayaa sheegtay in iyada iyo dhawr arday oo kale ay ka boodeen gaariga markii dableydu ay rasaasta ku billaabeen, ayna markii dambe aragtay Baabuurkii oo dhiig badan uu ka daadanayo.

PUNTLAND POST