Puntland:-Sahanka Roobka Deyrta ee Warbaahinta PUNTLAND POST.

Wuxuu soo sheegay sahankii roobka ee Warbaahinta PUNTLAND POST inuu saddex kicin uga kala da,ay dhulka Puntland.Deyrta kicinkeedii u horeeyay bishii Setember 2017 waxay ka curatey Sanaag,Highland ,Gardafu,Karkaar iyo Bari, Halka uu marey isaga oo aan badneyn kicinkeedii 2aad saddex jiho oo Gobolka Nugaala iyo Labo jiho oo Gobolka Soola.

Kicinka 3aad oo hadda aynu ku jirno wuxuu ka curtey afarta jiho Gobolladda Puntland, wuxuuna u badan yahay ilaa iyo hadda roobka da,ay labo jiho oo kala ah Ciidka sarre Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, Halka roobka labaad oo ku xiga uu raacsan yahay inta u dhaxaysa Degmada Eyl ilaa iyo Degmada Jariiban ee Badda Hindiya.

NUGAAL

Weli waxay roobyari ka jirtaa inta la isku dhaho Uur_nugaaleed oo ay ku taalo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, Waxaana taas bedelkeeda roobsadey inta ku xeeran Caduunka,Ayaxda, Xaysinka,Hawdka sarre iyo Hawdka hoose ee Gobolka Nugaal.

MUDUG

Waa laga helay raxmadii ilaa iyo haddana sahanka PUNTLAND POST warbixin kuma hayo deegaan abaari ka jirto oo ku yaala gurigaas la yiraahdo Mudug, oo sanadkii horre roobku ku yaraa balse hadda ay si fiican u il-tirtey raxmadda Eebe .

KARKAAR.

Waxay dheer-tahay labo kicin oo aan ka da,in Deegaanada kale, waxayna ka mid tahay dhulka roobabku ka bilowdeen,Wuxuuna sahanku soo sheegay inay  doogan tahay inta hoostimaada Gobolka Karkaar.

GOBOLKA SOOL.

Warbixinta roobka waxay kala siman-tahay Gobolka Nugaal, waxaana roob-sadey dhul badan sida Hawdka sarre, Waqooyiga iyo Dhoodida kasoo xigta dhinaca Nugaasha, mana jirto deyro iyo roobyari laga soo sheegayo.

SANAAG iyo BARI

Weli war sugan sahanka PUNTLAND POST kama hayo wallow roobab miyir iyo maalin-da ah uga imaanayaan Gobolladda kale dhinacooda, waxayna ka mid yihiin Sanaag iyo Bari meelihii roobka deyr-tu  ka cusboonaaday kicinkii 1aad iyo kicinkii 2aad.

GABA-GABO.

Alxamdulilaah,jawigu wuxuu wax badan ka duwan yahay kal horre, waana la kala fadhiyaa oo ma jiro deegaan deegaan kale u guuraya, waxayna dadku u badinayaan sanad barwaaqo oo lagaga soo kaban karo Abaartii SIMMA oo ay iminka u bedeshay BARWAAQO SIMMAN.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST