Dowlada Federalka iyo Puntland oo shir caafimaad u tagey Dalka Pakistan

Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawladda Federalka Fawsiyo Nuur  oo uu wehliyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa uga qeybgalaya Dalka Pakistan shir looga hadlayo Caafimaadka oo ay isugu yimaadeen Dalalka EMRO.

Arrimaha Soomaaliya iyo Puntland kala hadashay madaxda WHO/EMRO waxaa ka mid ah .

  1. Isuduwidda dhaqaalaha,shirarka caafimaadka (coordination)
  2. Kordhinta awoodda shaqaalaha Wasaaradaha,
  3. Xaaladaha deg-degga ah
  4. Isbitaallada (secondary care)
  5. Takhsusaadka ( GP doctors trainig)
  6. Xirfado kooban, sida (section)
  7. Xoojinta ilaalinta  Cudurrada (surceillance)

Waa markii ugu horeysay oo ay Puntland ka qeybgasho shirka dalalka EMRO.

PUNTLAND POST