Ciidamada AMISOM oo la sheegay in Carruur badan ay ku dileen Qaybo ka mid ah Somalia

Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM ee ka Hawlgala Somalia ay sannadkii tagay ka geysteen Somalia weeraro ay ku dhinteen carruur fara badan.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dilalka Carruurtaas ay siyaabo kala duwan uga dhaceen guud ahaan Somalia, gaar ahaan goobaha ay ka hawl-galaan ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan.

Sidoo kale, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay inay ka yihiin mas’uul dilka carruur kala duwan oo gaaraya 42. Waxaana warkaan lagu sheegay in dilalka carruurtaasi ay dhaceen xilli ay ciidamada ku-guda-jireen dagaallo dhan ka ah Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ee geystay dilalka ugu badan ee carruurtaas ayaa la sheegay inay yihiin ciidamada Kenya, kuwaasoo mas’uul ka yihiin carruur tiradoodu gaarayso 11.

Dhanka kale, Carruur intaa la’eg ayaa la sheegay inay ku dhinteen howlgalka Mareykanka uu kawado Gobolada Somalia, gaar ahaan intii lagu gudo-jiray sannadii hore ee 2016-kii.

Warbixinta QM ayaa lagu xusay in carruurta la laayay ay qayb ka ahaayeen weerarkii 25-kii Ogoosto ee Sannadkan lagu laayay beer ku tiilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasoo ay tiradoodu ahaayeen 10-qof oo u badnaa dad isku qoys kasoo jeeday.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee warbixintan soo bandhigtay ayaa xustay in ay jiraan tirooyin kiisaska kale oo dilal ah oo baaritaannadoodu ay weli socdaan, lana soo bandhigi doono.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanka ay gudaha Somalia ku dileen 510-qof oo Soomaali ah tan iyo sanadkii 2007-dii, kuwaasoo ay ku dileen weerarro siyaabo kala duwan ay u fuliyeen.

PUNTLAND POST