Israa’iil oo duqaysay Marinka Gaza ee Dhulka Falastiin

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in ay Axaddii shalay burburisay fariisin ay leedahay Xammaas oo ku yaalla marinka Gaza ,kadib markii gantaal laga soo riday uu ku soo dhowaaday Koonfurta Israa’iil,balse uu ku dhacay gudaha Falastiin.

Mas’uuliyiinta Xammaas ayaa xaqiijiyey in Israa’iil duqaysay xarun ay Sir-doon ahaan u isticmaali jireen oo ku taalla xadka labada dhinac,laakiin waxay sheegeen inaan cidna dhibaato ka soo gaarin.Guutada Al-qasaam ee ka tirsan Xammaas ayaa fariisinka kala socon jiray dhaqdhaqaaqa Israa’iil ee xadka,sida laga soo xigtay ururka xammaas,inkastoo ay beeniyeen in dhinacooda gantaal laga ganay.

Dhinaca kale kumanaan haween ah oo labada dhinac ka socda(Falastiin iyo Israa’iil) ayaa Axaddii shalay soo gebo-gabeeyay muddaharaad ballaaran oo uu soo agaasimay ururka”Haweenka ayaa Nabadda dhaliya”,kaasoo muddo labo todobaad ah ka socday Daanta-galbeed iyo Quddus oo lagu dalbanayey in heshiis nabadeed laga gaaro colaadda labada dhinac.

Muddaharaadka ayaa bilowday 24 Sep,waxaana debad-baxayaasha oo xiran dhar cad ay socdaal dheer ku mareen degaanno badan oo ku yaalla Daanta-galbeed,iyagoo ruxaya boorar ay ku xardhanyihiin ereyo lagu dalbanayo heshiis nabadeed oo waara,balse Booliiska Israa’iil ayaa meelaha qaar ka hor istaagay in ay gudaha u galaan.

Tiro aad u badan oo kamid ah haweenka Israa’iil ayaa ka qayb qaatay mudaharaadkan,taasi oo ah markii ugu horreysay tan iyo bilowgii colaadda Yahuudda iyo Falastiiniyiinta.Mid kamid ah haweenka dhinaca israa’iil ayaa tiri”Waa in la maqlaa codka kumanaanka haweenka ah ee isaga yimid labada dhinac oo gacmaha is-haysta,islamarkaana dalbanaya nabadda iyo wada-noolaanshaha”.

Waxay sheegtay in haweenka Israa’iil ay ka daaleen dagaal aan dhinacna dan ugu jirin,sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay xukuumadooda cadaadis ku saaraan xal-siyaasadeed oo lagu gaaro nabad waarta iyo wada-noolaansho”waxaan doonaynaa nabad. Waan ka daalnay dil iyo tooriyeyn.Waa in si deg deg ah loo helo xal-siyaasadeed oo horseeda nabad waarta”.ayey tiri.

Dadka ka faallooda Colaadda israa’iil iyo Falastiin ayaa muddaharaadkan u arkaan”mid lagu dalbanayo wax aan si dhakhso ah loo saadaalineyn helitaankiisa.

Muddaharaadka ayaa ku soo beegmay,xilli Israa’iil ay xusayso munaasabadda maalintii ay waayeen Nebi Muuse oo in muddo ah ay ka raadinayeen Saxaraha SEYNAA,kadib markii ay ku yiraahdeen”Adiga iyo Ilaahay soo dagaallama halkaan baan sii fadhiyeynaaye”,taasoo ciqaab looga dhigay in ay dayoobaan.

Ururka la baxay”Haweenka ayaa Nabadda dhaliya” ayaa sidoon oo kale sannadkii 2015 soo agaasimay muddaharaad ballaaran oo aamusan,kaasoo socday in ka badan 50 maalmood,kadib kacdoonkii 2014 ee dadka badan ku dhinteen,inkastoo aan wax isbaddel ah oo weyn laga dareemin colaadda labada dhinac.

Israa’iil ayaa muddo dheer haysatay dhulka Falastiin,waxaana marar badan dhexmaray dagaallo culus oo lagu hoobtay,waloow mar walba khasaaraha dagaalku u badnaa dhinaca shacabka reer Falastiin.

 

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar