Xaaf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay goordhow Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xaaf ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golaha wasiirada maamulkaasi iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Xaaf ayaa kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka oo ka qeybgalaya shirka ay yeelanayaan maamul Goboleedyada oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo Dhowaan.

Qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Xaaf ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo oo hadda xarun u ah Jubbaland.

Dhowaan ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxa ay sheegeen in ay xilalkii ay ka qaadeen dhamaan Madaxda Maamulka Galmudug iyada oo qilaafaad badana ay hareeysay Galmudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post