Xaaf oo Dowladda Federaalka Somalia ugu baaqay Wadahadal iyo in muranka la Xalliyo

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Somalia wada-hadal, isla markaana maamulkiisa laga daayo fara gelinta lagu haayo. Wuxuuna shegay isagoo kula hadlayay wariyeyaasha Magaalada Kismaayo, in maamulkiisa iyo dowladda uu wax kala gaareen, isagoo xusay in difaac uga jiro, balse uu doonayo nabad.

“Waa maqasheen dhibaatada ka dhacday Galmudug, anaga iyo dowladda Federaalka Somalia waxbaa na kala gaaray, ayaga ayaa difaac uga jirnaa, walaalaheen waxaa leenahay aan wada hadalno,” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmamaay in loo baahan yahay in wixii dalka iyo dadka dan u ah laga shaqeeyo, isla markaana cadawga nabad diidka laga wada hortago sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Federaalka waxaa leennahay war cadawga la dirira ee annaga na daaya, cududiina ayaa nahay, hiilkiina ayaa nahay, isku jaal aan ahaano, nabad diidka aan meel uga soo wada jeesano,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa 26-kii bishii hore sheegay inay xilka ka Qaadeen Xaaf, balse maalmo kaddib ayaa Xildhibaano taageersan Xaaf waxay iyana sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo xaalada sii adkeysay.

Laakiinse, Maxkamadda Sare ee maamuka Galmudug oo go’aan soo saartay todobaadkii hore waxay sharci ka dhigtay dhamaan xil ka qaadistii lagu sameeyay saddexda mas’uul, waxaana ka hor yimid Mas’uuliyiinta qaar oo sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu horay isku casilay, isla markaana aanay Galmudug laheyn maxkamad sare

Ugu dambeyn, Shirka Magaalada Kismaayo ee Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa awoodo siinaya Madaxweyne Xaaf oo xaalada ku xumeyd todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo shirkan loo arko mid mugdi gelinaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isla markaana wiiqaya awooda dowladda Federaalka.

DHAGEYSO HADALKA XAAF UU KA SHEEGAY KISMAAYO:

 PUNTLAND POST