
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sabtidi maanta difaacay heshiiska dalkiisu la galay quwadaha waaweyn ee ku saabsan hubka Nuclear-ka,kaasoo dhigayey in Iran ay joojiso Barnaamijkeeda Nuclear-ka,baddelkeedana laga qaado xayiraadda dhaqaale ee caalamka ku saaran.
Rouhani ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump iyo cid kale toona aanay awood u lahayn in ay burburiso heshiiska oo uu ku tilmaamay”mid faa’ido weyn u keenay dalka Iran “.Hadalkiisa ayaa sii xoojiyey war uu soo saaray wasiirka arrimaha debadda Iran,kaasoo ahaa in aanay aqbalayn cadaadis kasta oo lagu xaddidayo awoodda dalkiisa.
“Heshiiskaaan la galnay quwadaha waaweyn,waxaan ka helnay faa’idooyin waaweyn.Ma jirto cid burin karta.Trump ma burburin karo iyo xataa haddii 10 Trump oo kale dunida ka soo baxaan.Haddii Maraykanku carqalad geliyo heshiiska caalamka dhan wuxuu cambaarayn doona iyaga,halkii laga dhaleecayn jiray Iran”,ayuu yiri Rouhani.
Iran ayaa heshiiskaan la gashay 6 quwadood ee adduunka ugu tunka weyn,kuwaasoo kala ah;Russia, China, Britain, France, iyo Germany,14 July 2015,waxaana loo arkay mid lagu baajin karo, barnaamijka Nuclear-ka Iran oo si xawli ah ku socday xalligaasi,balse madaxweyne Trump ayaa ku adkaystay in aan heshiiska wax dan ah ugu jirin dalkiisa oo uu yahay mid loogu seeto-dheeraynayo Iran,wuxuuna ku hanjabay in uu si deg deg ah uga bixi doono.
Wargeeska Washington Post ayaa todobaadkii tegay ku warramay in madaxweyne Trump uu qorshayanayo in uu si deg deg ah uga baxo heshiiska Iran iyo quwadaha dunida ee ku saabsan joojinta barnaamjkaas,sidoo kale waxaa xaqiijiyey saraakiil ka tirsan aqalka cad oo laga soo xigtay in madaxweyne Trump maalmaha soo socda ku dhawaaqi doono,gebi ahaanba in uu ka baxay heshiiskaasi.
Dowladda Iran ayaa barnaaamijka Nuclear-ka bilowday sannadkii 1980,xilligaasi oo uu madaxweyne ahaa Akbar Hashemi Rafsanjani.sannado yar kadib waxaa soo baxayay ifa-faalo muujinaya in dalkaasi hantiyi doono hubka wax gumaada ee Nuclear,balse dagaalkii Ciraaq oo looga adkaaday Iran ayaa mar kale rajo xumo muujiyey.
Sannadkii 1997 ayaa mar kale waxaa si xawli ah ku socday barnaamijka Nuclear-ka Iran,taasoo soo celisay rajadii Tehran ee ahayd in hesho hub Nuclear ah. sannadkii 2003 madaxweynihii hore ee Iran Mohammad Khatami ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay soo saarayso xaddi badan oo macdanta uranium-ka ah,islamarkaana si dhakhso ah u samaysan doonto hubka Nuclear-ka.
Sannadkii 2007, Iran waxay shaacisay in ay haysato xaddi ku filan oo uranium ah,si ay u samaysato Nuclear ay kula dagaallanto Maraykanka,waxaana aad uga carooday warkaas dowladda Maraykanka oo ku tilmaantay Iran”halis soo wajahan.
Wixii intaa ka dambeeyey waxaa bilowday cambaarayn caalami ah oo dunidu u jeedinayso dowladda Iran,taasoo ku saabsan barnaamijkeeda Nuclear-ka,waxaana la saaray cuna-qabayn adag,inkastoo Iran ay sii wadday barnaamijkeeda.
2015, Heshiiska Iran ay la gashay lixda quwadood ee caalamka ugu tunka weyn ayaa lagu go’aamiyey in laga qaado cuna-qabataynta dhaqaale ee saaran,iyaduna ay joojiso samaynta Nuclear-ka,laakiin Maraykanka iyo Israa’iil ayaa walaac ka qabay in Iran hir-gelin weydo qodobada heshiiskaasi.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu wadaa in 12 bishaan Oct uu jeediyo khudbad uu kaga jawaabayo hadalka Rouhani,islamarkaana uu ka shaacinayo in dalkiisu ka baxay heshiiskii Nuclearka ee sannadkii 2015.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar