Wararka ka imaanaya Gobolada Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in Al-shaabab ay dileen labo nin oo dhoofin jirtay dhuxusha iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux kale.
Toogashadaan ayaa ka dhacday Jaziiradda Kudhaa ee Gobolada Jubbada Hoose sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan.
Al-shabaab ayaa la sheegay in ay si bareer ah ay u toogteen ganacsatadaas ayna dhinteen labo, halka uu dhaawac culus uu soo gaaray ruuxii seddexaad.
Magacyada dadka la dilay waxa lagu kala sheegay Mooro-fiin iyo Aadan Cusubow.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababaha ka dambeeyay toogashada ganacsatadaas.
PUNTLAND POST