Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, C/qaadir Xaaji Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Golayaasha Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Madaxweynaha kala qayb-galay soo dhawaynta wafdiga ka socday Koonfur-galbeed oo kismaayo u yimid ka qayb-galka shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdiga Koonfur Galbeed oo horudhac u ah madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa shirka dhawaan ka furmaya Kismaayo.
Sidoo kale, Wuxuu tilmaamay inuu rajaynayo in shirkaas uu miro dhalo isla markana uu muhiim u yahay Soomaaliya wax badan oo jirana lagu dhamayn doono.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in gogoshan ay tahay mid wada hadal oo lagaga shaqaynayo sidii tuhunada jira loo dhamayn lahaa isla markana aanay jirin cid loola dan leeyahay ama lagu dhibaataynayo.
Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan ayaa dhankiisa bogaadiyay Jubbaland dadaalka ay ka gaysanayso nabadaynta iyo wada jirka umada isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiyahiisa Kismaayo wax badana uu shirkaas ka rajaynayo.
Ugu dambeyn, Shariif Xasan wuxuu sheegay in loo bahan yahay in wixii la isku qabto xal laga gaaro oo loo soo jeesto sidii cadawga Soomaaliyeed ee dalkan ragaadiyay loola dagaalami lahaa isla markana looso celin lahaa nabad-galyadii iyo hormarkii wadanka lagu yaqaanay.

PUNTLAND POST