Magaalada Copanheagan ee Dalka Denmark waxa si habsimi leh uga furmay Shirweynihii Sadexaad Dallada PEDAN oo ay ku mideysan yihiin Ururadda Qurbo-joogta Puntland ee Yurub.
Shirka ayaa sanadka waxa soo qaban qaabiyay Ururka Kulan Organization Denmark, waxaana ka soo qeyb galayashii kamid ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire, Wasiir ku xigeenka warfaafinta hidaha iyo dhaqanka Puntland mudane Cabdirisaaq Cumar ismaaciil Shiikh Aduun, Wakiilka Puntland u fadhiya Finland mudane Cabdifataax Janagale ,Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland mudane Xabiib Faarax.
Martisharafta kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa waxa ka mid ahaa Jaaliyaddaha Puntland ee ka kala yimi wadamada Ireland, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Holland, Austeria iyo Uk.
Furitaankii shirka waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Kulan Organization Denmark Mudane Faarax Ciise, Gudoomiyaha Dalada Qurbajoogta Puntland ee Yurub Mudane Maxamed Cabdule Faarax Mosul, Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland Mudane Cabdirisaaq Shiikh Aduun,Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faaraxa Cali Shire iyo ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland mudane Xabiib Faarax, kuwasoo dhamaan soo dhoweeyay martisharafta, waxayna Hambalyo u direen daladda PEDAN oo Sadex sano jirsatay
Gudoomiyaha Dallada PEDAN Mohamed Cabdulaahi Qoordheere ayaa halkaasi kasoo jeediyay Warbixin ku saabsan PEDAN iyo Sanadihii ay jirtay waxyaabaha u qabsoomay, Gudoomiyaha ayaa sheegay in PEDAN lagu bilaabay 17-urur balse iminka ay kor u dhaafayaan Uruurada ku midaysan ilaa 30-urur.
Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan qaybta fulinta PEDAN ayaa soo Jeediyay Warbixino kala duwan oo ku saabsan PEDAN iyo Qorshayaasheeda.
Martisharafta Shirka kasoo qabtay ayaa isku raacay in Labo sano kadib ay qirayaan inay tahay Guul la gaaray Sameyntii Dallada PEDAN.
Shirkan Qorba-joogta Puntlnad ee Yurub uga furmay Magaalada Copanheagan ee Dalka Denmark ayaa socon doona muddo Shan cisho ah.

PUNTLAND POST