Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maalilyadda Somalia, C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay in Somalia ay sameynayso lacago cusub si loo yareeyo lacagta fara badan ee haatan la isticmaalo, isagoo ka gaabsaday inuu sheego dalka lagu soo daabacayo lacagtan.
Bayle oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in lacagta cusub ee Somalia loo sameynayo ay isugu jiri doonto warqad iyo qadaadiid, isagoo xusay in laga yaabo in qadaadiicdu ay ugu yaraato 1,000 Shillin.
“Somalia waxay u baahan tahay lacag cusub, si loo yareeyo ama aad hoos loogu dhimo tirada badan ee lacagta Soomaalida marka la sheegayo,” ayuu yiri Wasiir Bayle oo sheegay in wajiga labaad ee sameynta lacagtan si aad ah looga baaran-degi doono in la bedelo shilinka iyo in kale.
“Waxaa jira dad badan oo qaba in magaca shillinka la bedelo, waayo waxaa la doonayaa in bal isbedel la sameeyo si meesha looga saaro maqalka lacagtq shilinka ah oo loo qaatay mid aan awood lahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in inkastoo aysan fududeyn in lacag lasoo daabaco, marka la eego sida uu dhaqaalaha dalka u burburay, ayaa haddana uu sheegay inay qorsheynayaan in sannadkan inta uusan dhammaan ay soo daabacaan lacagta cusub.
“Dhammaan waxyaabihii caqabadaha ahaa waan kasoo gudubnay, waxaana nagala shaqeynaya daabacaadda lacagtan cusub Bankiga Adduunka iyo IMF-ta, wuxuuna qorshuhu yahay inay naga bixiyaan lacagta aan lacagtan cusub kusoo daabacanayno,” ayuu wareysigiisa ku yiri wasiir C/raxmaan Bayle.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa sheegay in tallaabadan ay ahayd mid muddo badan laga soo shaqeynayay, ayna filayaan inay dhawaan soo geliyaan suuqyada lacagta cusub ee dalka loo sameynayo. balse wuxuu ka gaabsaday in Suudaan lagu soo daabacayo lacagtan iyo in kale, wuxuuna sheegay in xilliaan aan la qorsheyn dalka lagu soo daabacayo lacagtan cusub ee Shillin Soomaaliga ah.
PUNTLAND POST