
Boqorka Sacuudiga,Salman Ben-abdiaziz iyo madaxweynaha Rusia Vladimir Putin oo kulan ku yeeshay magaalada Moscow ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xasaradda Bariga dhexe,taasoo ay u horrayso colaadda dalka Syria,madax-bannaanida gobolka Kurdistan,dhibaatada lagu hayo dadka reer Falastiin iyo la-dagaallanka argagixisada.
Boqor Salman ayaa kulanka ka sheegay in loo baahanyahay xal-siyaasadeed oo laga gaaro colaadda Syria oo lagu beddelo dagaalka muddada ka socda dalkaasi,si looga badbaadiyo Syria in ay gebi ahaanba burburto,wuxuuna yiri”waa lagama maarmaan in la helo xal-siyaasadeed oo lagu ilaalinayo midnimada Syria iyo nabad-gelyada dhulkeeda.waxaan u soo jeedinaya Iran in ay faro-gelinta ka joojiso dalalka bariga dhexe”.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la adkeeyo midnimada dalka Ciraaq,islamarkaana la xoojiyo cududda militeri iyo tan dhaqaale ee dalkaasi,si uu dib ugu soo kabto,ugana guulaysto argagixisada,wuxuuse ka digay in madax-bannaanida Kurdistan ay fursad u tahay Daacish oo haatan laga xoreeyey magaalooyin badan o ka tirsan Ciraaq.
Mar uu ka hadlayey colaadda Falastiin iyo Israa’iil, ayuu Israa’iil u soo jeediyey in ay ogolato dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiinta u gaar ah,taasoo caasimadeedu tahay Quddus “si loo helo” buu yiri heshiis nabadeed oo waara.Boqorka ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay mar walba ka baxdo heshiisyada nabadda ee iyaga iyo Falastiin.
Wuxuu dalbaday in la sameeeyo wax uu ugu yeeray”Xarunta Caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada”,taasoo uu caddeeyey in dowladiisu ay horay Qaramada Midoobay uga codsatay in la sameeyo,balse aan weli suurta-gelin.
Dhankiisa Madaxweynaha Rusia Vladimir Putin ayaa ku bilowday ammaan uu kala duldhacay boqor Salman oo uu ku tilmaamay shakhsi qiimo badan,isagoo bogaadiyey xiriirka labada dal ka dhexeeya,kaasoo uu sheegay in weligiisba aanu xumaan,wuxuuna tusaale u soo qaatay in Rusia ahayd dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada sacuudiga,xilligii Midowgii Soofiyeedka sannadkii 1926.
Putin ayaa muujiyey baahida loo qabo in la iska kaashado la-dagaallanka argagixisada iyo in xil siyaasadeed loo raadiyo colaadda Syria,inkastoo uusan si faahfaahsan uga hadlin qodobkaasi.Waxaa hadalkiisa ka muuqatay in uu iska dhowrayo ereyadii lagu yaqaanay,marka laga hadlayo arrimaha Syria,kuwaaso ay ku jirtay dhaleeecayntii mucaaradka madaxweyne Bashar Al-asad.
Heshiisyo la gaaray labada dhinac
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa soo werisay in labada dhinac kala saxiixdeen heshiis lagu samaynayo sanduuq maalgashi oo wadaago ah,kaasoo ku kacaya qiimo dhan $1 bilyan oo Dollar.
Heshiisyada la gaaray,ayaa sidoo kale waxaa ku jira mid ku kacaya $3 bilyan oo Sacuudigu hub uga iibsanayo Rusia iyo mid kale oo lagu maal-gelinayo shirkad daawada soo saarta oo laga hirgelin doono Sacuudiga,taasoo ay uu ku baxayo qiimo dhan $$1.1 Dolar.Ruushka ayaaa sidoo kale Sacuudiga la saxiixday heshiisyo ku saabsan shidaalka iyo Gaaska.
Waa markii ugu horreysay ee boqor Sacuudi booqdo dalka Ruushka,inkastoo madaxweynaha Ruushka uu booqday Sacuudiga sanandkii 2007.Labada dalba waxay hodon ku yihiin shidaalka,waxaana jira xiriir dhaqaale oo ka dhexeeya,laakiin waxay isaga horjeedaan dhinaca siyaasadda.
Ruushka ayaa taageera xukuumadda Bashar Al-asad,halka Sacuudigu tageero kooxaha mucaaradka qunyar socodka ah ee ka horjeeda maamulka Bashar.Colaadda Syria ayaa lagu tilmaamaa mid siyaasad ahaan kala fogaysay labada dhinac,balse heshiisyada ku saabsan dhaqaalaha iyo militeriga ee ay kala saxiixdeen ayaa muujinaya in ay wax walba dantooda ka hormarinayan.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar