Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Sh. Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaas uu weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geystay mid ka mid ah bahalada duurjoogta gaar ahaan Shabeel.
Shabeelkan ayaa la sheegay inuu subaxnimadii horre ee maanta 05 October 2017 weerar ku qaaday xaafad ku taala magaalada Wanla-weyn Islamarkaana ay ku sugnaayeen dad rayid ah isagoona diley caruur sidoo kalena waxyeelo u geystay dad waayeel ah oo ku sugnaa guriga uu weerarey shabeelku.
Wuxuu dilay Shabeelku 1 qof oo sida la sheegay ka mid ah caruur dhaawacooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho, Sidoo kalena waxaa ku dhaawacmey weerarka uu geystay Shabeelku dad tiradoodu gaareyso 7 ruux sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Wariye Ismaaciil Mire oo jooga Degmada Wanla-weyn.
Ciidamada Booliska magaalada ayaa aakhirkii toogasho ku dilay shabeelka, ka dib markii ay usoo gurmadeen qoyskii uu soo weerarey
Bahalada duurjoogto ah oo uu Shabeelku ka mid yahay ayaa weeraro waxa ay ku qaadeen goobaha Miyiga ah ee dalka Soomaaliya iyada oo ay Duurjoogtaasi abaar xoogan ay ku habsatay islamarkaasina ay waayeen wax ay cunaan.
Hoos ka dhageyso warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho