SOMALILAND: Innaga mana Quseeyo Sharciga Isgaarsiinta ee lagu saxiixay Muqdisho


Hargeya (PP) ─
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland, Mustaf Faarax Abraar, ayaa sheegay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan saxiixay uusan quseyn maamulkooda.

Wasiir Abraar oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa xusay in xeerkan uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, uuna jiro shaircigooda u gaarka ah.

“Waxaa jira Xeerar Caalami ah oo lagu maamulo Isgaarsiinta. Waxaana la og-yahay in Dowladda Somalia aysan dalka oo dhan gaanta kuwada hayn. Marka annaga nagama xiri karaan. Maalin dhawna waxaan sameyn doonnaa sharci gaar noo ah oo aanu leennahay,” ayuu yiri shirkiisa jaraa’id ka yiri Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland.

Sidoo kale, Wasiir Mustaf sheegay in arrintaan aysan saameyn ku yeelan doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Xarumaha ku leh Muqdisho iyo Hargeysa.

“Ma jirto dhibaato shirkadaha isgaarsiinta kasoo gaaraysa xeeerkan cusub ee lagu saxiixay Muqdisho. Waanan la socodsiinay madaxdooda,” ayuu mar kale yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soaliland.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Xagga isgaarsiinta, waxaan ka wada-hadalnay iyo wax inaga dhexeeyo ma jiraan. Waxaan mar kale ku celinayaa, xeerka Madaxweynaha Dowladda Somalia uu saxiixay, ma ahan mid quseeya Somaliland.”

Ugu dambeyn, Xeerkaan Isgaarsiinta ee uu saxiixay Madaxeyne Farmaajo ayaa ka kooban 11 qaybood oo waaweyn iyo 70 qodob oo ka kooban 35-bog oo Qoraal ah, Wuxuu si guud ah uga hadlaya Isgaarsiinta noocyadeed kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo isgaarsiinta ciidamadda.

PUNTLAND POST