Baqdaad (PP) ─ Hoggaamiyihii hore ee Kurdiyiinta iyo Madaxweynihii hore ee waddanka Ciraaq, Jalal Talabani ayaa geeriyooday isagoo 83-jir ah, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Dalka Ciraaq.
Jalal Talabani, ayaa caan ku ahaa halgankii uu u galay Madax-bannaanida Kurdiyiinta wuxuuna aasaasay PUK sannadkii 1975-kii. Wuxuuna laba sano kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii ee Ciraaq Sadaam Xuseen uu noqnoqday madaxweynihii koobaad ee aan carab ahayn oo majaraha u qabta dalka Ciraaq.
Talabani ayaa xilka iska casilay sannadkii 2014-kii, labo sano kaddib markii uu ku dhacay xannuunka daran oo dhanka neerfaha ah, iyadoo caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Jermalka.
Sidoo kale,In kastoo xilka madaxweynuhu uu hab-maamuuseed iska yahay haddana intii uu xilka hayay wuxuu gacan ka gaystay dhexdhexaadinta muranno soo kala dhexgalay kooxo badan iyo siyaasadda iyo diimo isku qabtay.
Geerida Talabani ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo khilaaf wayn uu ka dhex-taagan yahay gobolka is-maamul hoosaadka leh ee Kurdistan iyo dawladda dhexe ee Ciraaq ee ay Carbtu hogaamiyaan.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Xaydar al-Cabadi ayaa maamulka Kurdiyiinta ka dalbaday inay waxba kama jiraan kasoo qaadaan aftidii madax-bannaanida ee la qabtay siddeed maalmood ka hor, wuxuuna gobolkaas ka mamnuucay duulimaadyada caalamiga ah.
Ugu dabeyn, Dawlad-goboleedka Kurdiyiinta ayaa ku adkaysanaya in ay si sharci ah u dhacday codayntaas, taas oo in kabadan 90% ay dadku taageereen in ay ka go’aan Ciraaq inteeda kale, Xaydarna waxay ku eedeeyeen in uu Ciqaab wadareed gaysanayo.
PUNTLAND POST