Las Vegas (PP) ─ Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay, in ka badan 400-qof oo kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday goob uu bandhig faneed ka socday oo ku taalla magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta, isla markaana ay dadkii ku sugnaa billaabeen inay kala cararaan waxaana uu xusay in xaaladdu ay mar keliya is-bedeshay.
Taliyaha booliiska Degmada Clark, Joseph Lombardo – ayaa sheegay in laba sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarkaas oo ahaa mid culus, waxaana ninkii toogashada geystay toogtay ciidamada booliiska.
Sidoo kale, Lombardo ayaa sheegay in xilliga toogashadaani dhacaysay ay goobta kusugnayeen 22,000 oo qof, wuxuuna intaas ku daray in ruuxa dilka geystay lagu magacaabi jiray Stephen Paddock uuna ahaa 64-jir, kaasoo ay dileen ciidamada booliiska.
Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in ninka weerarka gaystay uu ahaa kaligiis oo aysan cidna wehlin, balse waxaa la baadi goobayaa qof ay qol-wada deggenaayeen.
Dhanka kale, Ruuxa weerarka geystay ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee Hoteelka Mandalay Bay, halkaasoo uu dadka kasoo toogtay isagoo wata qori nooca daran-dooriga u dhaca ah.
Eric Paddock oo ay walaalo ahaayeen ruuxa toogahada geystay oo booliiska la hadlay ayaa sheegay inaysan garanayn waxa ku dhacay Stephen, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid fajaciso ku noqotay.
“Ma garan karno waxa dhacay,” ayuu yiri Eric oo ku nool Magaalada Orlando, wuxuuna intaas u daray. “Runtii dhammaanteen waanu qaracanay, waxayna arrintan nagu noqotay mid amakaag nagu reebtay.”
Dadkii ku dhaawacmay weerarkan ayaa qaarkood la sheegay in xaaladoodu ay aad u daran tahay, iyadoo lagu daweynayo isbitaallo kala duwan, iyadoo goobta uu falkan ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidammo booliis ah oo aad u fara badan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka oo falkaan ka hadlay ayaa xusay in tani ay tahay fal xanuun badan, isla markaana uu sababay ruux aan wax naxariis ah lahayn oo shaydaan ah. Mana jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaan.

PUNTLAND POST