Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa

Muqdisho (PP) ─ Mid ka mid ah saraaakiiha ciidamada xoogga Somalia oo lagu magaaabo, Jen. Aadan Laba-Afle ayaa ka bad-baaday Qarax miino oo goor-dhaw lala eegtay gaarigiisa oo marayay Nawaaxiga Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa miino ay ku dhaawacmeen askar ka tirsanaa Ilaaladiisa gaarka ah, iyadoo Jeneraalka aysan waxba ka soo gaarin.

Sidoo kal,e Gaariga uu la socday sakaalkan ayaa la sheegay inuu soo gaaray waxyeello, iyadoo goobta lagu qarxiyay ay soo gaareen ciidammo ka tirsan millateriga Soomaaliya, kuwaasoo qaaday dhaawacyadii askarta.

Jen. Laba-Afle ayaa ka mid ahaa Saraakiishii dhawaan lacag magdhawga ah gaarsiiyay Qoysaska dadkii ku dhintay dagaal ciidamo ka tirsan dowladda ku dhex-maray Xaafadda Haanta-dheer ee degmada Dayniile.

Ugu dambeyn, Waddada dheer isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhawr jeer oo hore waxaa qaraxyo lagula eegtay gaadiidka ciidamada la socdaan.

PUNTLAND POST