Musharaxiinta Doorashada Somaliland oo Maanta la Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Hargeysa (PP) ─ Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa Guddoonsiiyay Maanta Lixda musharax ee Saddexda xisbi uga qaybgali doonta doorashadda Madaxtooyada Somaliland ee bisha November 13-keeda ka dhici doonta.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in lixda musharax buuxiyeen gabi ahaan shuruudihii laga rabay Musharaxnimadda, waxaanay siiyeen shahaadooyinkii loogu aqoonsanayay musharaxnimadooda.

“Waxaanu isugu nimid inaanu Guddoonsiino Lixda Murashax ee Saddexda xisbi Qaran shahaadooyinkii muujinayay inay musharraxiin yihiin, ayna ka qayb-geli doonaan doorashada dhici doonta,” ayuu Gudoomiyaha  Guddiga doorashada Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ka yiri goobta.

Murashaxiinta Maanta la guddoonsiiyay shahaadooyinka ayaa waxay kala yihiin; Muuse Biixi Cabdi Xildiid oo KULMIYE ah, C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro] oo WADDANI ah iyo Inj. Faysal Cali Waraabe oo UCID ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in la kala dooranayo Lixdaas Musharax ee xisbiyada hor-boodaya.

“Geeddi dheer ayaynu u soo galnay inaynu maanta halkaan soo gaarno, laba sanno ka hor ayay ahayd in aynu halkan soo gaadhno, waa qadar ALLE inuu EEBBE maanta ina soo gaadhsiiyay goobtan,” ayuu yiri Inj. Faysal Waraabe.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray.  “Waxaa la kala dooranayaa Lixdaas musharrax ee shahaadooyinka la gudoonsiinayay, ALLE waxaan ka baryayaa in midkii khayr u leh dalkan uu guulaysto.”

Dhanka kale, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi Xildiid oo ka hadlay isaguna goobta ayaa yiri. “Musharraxiintan lixda ah ee maanta halkan lagu guddoonsiiyay shahaaadooyinka musharaxnimada waajibka saaran waa in midkii guuleysta uu Ummaddan u wanaag falo.”

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro ayaa isagna goobtaas ka hadlay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta rasmi ahaan loo guddoonsiiyo shahaadadii musharraxnimadiisa, wuxuuna tilmaamay in uu rajeynayo in doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo Somaliland.

Ugu dambeyn, Saddexda Musharrax ee shahaadooyinka maanta gacanta loo geliyay ayaa dhawr jeer oo hore dhaliilo hawada isku mariyay, iyagoo isku eedeeyay inay faragelin ku hayaan doorashada.

PUNTLAND POST