
Mas’uuliyiinta gobolka Catalonia ayaa shaaciyey in 460 ruux ku dhaawacmeen rabshado ka dhashay aftidii saaka,kadib markii Booliiska Spain awood u adeegsadeen codbixiyaasha,halka xukuumadda Spain sheegtay in 12 ka kamid ah ciidanka ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.
Af-hayeen u hadlay gobolka ayaa Booliiska ku eedeeyay in ay rasaasta cinjirka iyo budad u adeegsadeen dadkii codkooda ka dhiibanayey aftida madax-bannaanida gobolka,taasoo keentay in dhaawaca 460 ruux oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.Waaxda gurmadka deg degga ah ee Catalonia ayaa laga soo xigtay in dadka dhaawacmay badankooda ay is-buurteen,halka qaar kalena ay ku neef qabatimeen qiiq ay jiideen.
Muuqaal la soo geliyey Youtube-ka ayaa waxaa ka muuqda Booliiska oo garaacaya qaar kamid ah codbixiyaasha oo ay ku jiraan dad da’ ah iyo haween.Ciidanka ayaa xoog ku xiray xarumo badan oo aftida laga qaban lahaa,inkastoo taasi aanay gebi ahaanba joojin codbixinta.
Magaalada Madrid,Wasiirka Arrimaha Gudaha Spain ayaa shir jaraa’id ka sheegay in 12 ka tirsan ciidanka ay dhaawacmeen,kuwaasoo la tacaalayey rabshadaha ka dhashay aftida madax-bannaanida Catalonia oo uu ku tilmaamay” mid sharci-darro ah oo dastuurka jebinaysa”.
Codbixintii saaka waxaa u soo baxay dad garaaraya 5.3 malyan oo qof,waxaana la saadaalinayaa in tirada ugu badan”Haa” u codayso,taasoo ka dhigan madax-bannaani.Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in haddii madax-bannaani loo codeeyo ay go’i’doonaan muddo 48 saac gudahood ah.
Rabashadaha saaka ayaa bilowday,kadib markii ciidanka Booliiska Spain ay hawlgal ballaaran ku qaadeen codbixiyaasha oo safaf dhaadheer ku jira,si ay u kala cayriyaan,taasoo keentay dhaawac badan oo soo gaaray dadkii rayid ka ahaa. Hoggaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont ayaa xukuumadda Madrid ku eedeeyay in ay beegsatay dad rayid ah aan hubaysaneyn oo masiirkooda u codaynayey,wuxuuna ku tilmaamay “fal aan la illaawi doonin”.
Puigdemont ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada-xaajood ay la galaan xukuumadda Spain,xataa haddii aftida loo codeeyo madax-bannaani,maadaama sida uu hadalka u dhigay weli arrimo muhiim ah ka dhexeeyaan labada dhinac.
Duqa magaalada Barcelona Ada Colau ayaa ka dalbaday Ra’iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy in uu si deg deg ah isu casilo,maadaama sida uu sheegay uu mas’uul ka yahay dhibaatada ay geysteen Booliiska Spain,laakiin Mr:Rajoy ayaa hadalkaasi ku tilmamay”wax lagu qoslo”,wuxuuna sheegay in aan afti sharci-darro ah dalkiisa boos uga bannaaneyn.
Dhinaca kale waxaa maalintii labaad muddaharaadyo waaweyn ka socdaan magaalada Madrid ee caasimadda Spain,kuwaasoo looga horjeedo aftida madax-bannaanida Catalonia.Dadka ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin”ma ogolin inqilaab” iyo “midnimaa na deeqda”.
Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Spain ayaa dhowaan soo saartay go’aan ay ku mamnuucday aftida madax-bannaanida Catalonia,maadaama ay ku tilmaantay”sharci-darro”.Go’aanka soo baxay ayaa saameeyey shirkadaha debadda,kadib markii Google tirtirtay app-kii loo isticmaali lahaa codbixinta aftida,iyadoo sheegtay in ay qabto amar maxkamadeed.
Qodobka 1978 aad ee dastuurka Spain ayaa dhigaya”in dhammaan 17 maamulgoboleed ee dalka oo ay ku jirto Catalonia ay ku midaysan yihiin dal weynaha Spain,waana qodobka ay cuskatay maxkamadda.
Gobolka Catalonia wuxuu kamid yahay 17 maamulgoboleed oo ay ka koobantahay Spain.waxaa ku nool 7.5 malyan oo ruux.Waa gobol qani ah,oo leh luuqad iyo dhaqan u gaar ah.Ilaa iyo xad isaga ayaa maamusha arrimihiisa gudaha,laakiin in muddo ahb wuxuu raadinayey madax-bannaani buuxda.
Aftida maanta ayaa la filayaa in natiijadeeda lagu dhawaaqo saacadaha soo socda,inkastoo ay carqalad weyn kala kulantay xukuumadda Spain,waxaana xilligaan socda tirinta codadka,iyadoo ilaa iyo haatan natiijada horu-dhaca ah muujinayso in gobolku u codeeyey madax-bannaani.
PUNTLANDPOST
W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar