Al-shabaab oo burburiyay Buundada deegaanka Bariire

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Milatariga ayaa gaaray Deegaanka Bariire markii uu dagaalka joogsaday kadib, waxa ayna xubnahan u kuur galayeen khasaaraha ka dhashay dagaalkii  ka dhacay deegaankaasi.

Al Shabaab xiligii ay dagaalka soo qaadeen waxay qarax ku jareen Buundada deegaankaasi si aysan u isticmaalin gaadiidka gurmadka Ciidanka dowlada.

Taliyaha guutada 20-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo tagay deegaanka Bariire ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga iska caabiyeen Weerar uga yimid  dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii soo weeraray.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in xaalada deegaanka Bariire ay tahay mid dagan lagana saaray dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Deegaanka Bariire  ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu qabsaday hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen In ka badan 30-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

PUNTLAND POST