Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaallamay ka tirsan ayaa ku dhintay in ka bandanna way ku dhaawacmeen dagaal cuus oo ay saakay aroortii Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada Dowladda FS ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kaddb markii Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday saldhigga iyadoo u adeegsatay dagaalkan qaraxyo culus, kaddibna si toos ah u weeraray saldhigga oo la sheegay inuu ahaa mid uu difaaciisu si aad ah u adkaan.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay gudaha u gashay saldhigga isla markaana ay la wareegtay deegaanka Bariire, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay halkaas ku dileen tiro ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia.
Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan Bariire ayaa iyaguna waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-shabaab ee ah inay qabsadeen saldhigga iyo deegaanka oo dhan, balse waxay sheegeen inuu dagaal socdo.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in ciidammo badan ay daadsan yihiin saldhiggii lagu dagaalamay, xaaladduna ay kacsan tahay oo la maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan.
”Hadda shan qof meydkooda ayaan kor taaganahay kuwaasoo dhamaan lagu dilay dagaalay dagaalka,” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta, isagoo intaa ku daray. “Dhimashada waxaan maqlay inay 10 kor u dhaafayso, tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray.”
Ugu dambeyn, Deegaanka Bariire ayay Al-shabaab dhawr jeer soo weerartay iyadoo marar kala duwanna la kala qabsaday deegaankaan oo dhinac walba u leh muhiimad gaar ah.
PUNTLAND POST