Madaxweyne Farmaajo oo Dib Dalka ugu Soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ayaa Goordhow dib ugu Soo Laabtay kadib Safar uu ku tagay Dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Goordhow lagu Soo Dhoweeyay Garoonka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo Ayaa sucuudiga u tagay martiqaad uu ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga  iyaga oo yeeshay kulamo.

Madaxtooyada Soomaaliya Wali ma faah faahin waxa ka soo baxay kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Dalka Sucuudiga.

Dalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa ka jira Ismari waa siyaasadeed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho