Hoggaamiyaha Daacish soo saaray Cajal Cusub.

Ururka Daacish ayaa soo saaray cajal dhegaysi ah oo soconaya muddo 46 daqiiqo ah,kaasoo uu ka hadlayo nin ay ku sheegeen hoggaamiyahooda Abu Bakr Al-Baghdadi oo aan sannad warkiisa la maqal,inkastoo aan la xaqiijin karin taariikhda codkaan la duubay.

Shabakadda Wararka Daacish ee Al-Furqan News, ayaa Khamiistii Maanta lagu baahiyey cajal dhegaysi ah oo uu ka hadlayo Al-Baghdadi,kaasoo diiradda saaraya fadliga jihaadka,sidoo kalena guubaabinaya dagaallamayaasha Daacish ee lumiyey inta badan magaalooyinkii ay ka talinayeen,oo ay ku jirto degmada Mosul ee dalka Ciraaq, oo ahayd halkii looga dhawaaqay wax loogu yeeray”Khilaafada Islaamka”.

Al-Baghdadi ayaa sheegay in aan laga guulaysan ururkiisa,wuxuuna wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka,inta uu noolyahay,isagoo dagaallamayasha ururka ku guubaabiyey in ay labo-laaban weerarada ay ku qaadayan kuwa ka horjeeda oo uu ku tilmaamay in ay gaalo yihiin.

Hoggaamiyaha daacish ayaa dagaallamayaasha ururkiisa ugu laab-qaboojay”in ay taagan yihiin albaabkii guusha”,balse looga baahanyahay geesnimo iyo dulqaad,si loo gaaro halka loo socdo,oo uu ku sheegay labo midkood”guul ama janno”.

Dhinaca kale Al-Baghdadi ayaa hanjabaad kulul u jeediyey dalalka reer Galbeedka iyo xulafadooda,wuxuuna ku goodiyey in ay la kulmi doonaan cawaaqib xanuun badan.Si gaar ah Warbaahinta reer Galbeedka ayuu sheegay in ay dagaal afka ah ku hayaan ururkiisa,balse ay ka qoomamayn doonan.

Cajalka ayaa laga maqlayaa Al-Baghdadi  oo ka hadlaya Xiisadda gacanka Kuuriya,taasoo aan looga baran farriimihiisi hore ee laga duubay,waxaana loo arkaa in uu ku xumaynayey Maraykanka oo madixiisa ku xiray $25 malyan oo Dollar.

Bishi June ee sannadkan Sirdoonka Ruushka ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in Al-Baghdadi ku dhintay duqayn diyaaradaha Rusia ka ay la heleen guri ay ku shirayeen xubno sare oo ka tirsan Daacish magaalada Raqqa ee dalka Syria,laakiin saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa mar dambe beeniyey hadalka Rusia.

Farriin uu soo duubo waxaa ugu dambaysay bishii Nov ee sannadkii 2016,lamana xaqiijin karo taarikhda iyo sax ahaansha farriinta haatan ay baahisay Daacish,waxayna aad ugu egtahay kuwii horay looga duubay.

Ururka Daacish ayaa looga dhawaaqay magaalada Mosul ee dalka Ciraaq sannadkii 2014,xilligaasi oo xubno ka goostay Al-qaacida ay ku shireen Masjid weyn oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi,iyagoo sheegay in ay soo celinayaan Khilaafadii Islaamka,balse bishii July ee sannadkan ayaa laga saaray,kadib markii muddo dhowr bilood ah uu dagaal qaraar ku dhexmarayey Daacish iyo ciidanka Huwanta ah ee Maraykanku hoggaaminayo.

daacish ayaa mar qabsatay magaalooyin badan oo ku yaalla Syria iyo Ciraaq,waxayna ku guulaysteen in ay debadda ka soo dhoofsadan da’yar badan oo qaarkood ka yimaadeen dalalka reer Galbeedka,kuwaasoo qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu hoobtay ku weeraray suuqyo iyo xarumo ciidan.

Sannadkan 2017 ayaa ururka laga saaray maagaalooyin badan oo ku yaalla Bariga dhexe,sidoo kale dalka Libya ayaa jabweyn loogu geystay ,taasoo khubaradu ku tilmaameen dhammaadkii Daacish.

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar