Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay maqaayad ku dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dambe ee SYL.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay illinka hore ee maqaayad iyo kaalin shidaal oo ku yaalla Ceel-gaab halkii loo aqoon jiray, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay inta badan yihiin shacab goobta ku sugnaa.
Goobjoogayaal goobta ku sugnaa ahaa sheegay in Qaraxan uu ahaa mid xooggan, uuna geystay waxyeello nafeed iyo mid maalyadeed, iyadoo dadka dhintay iyo kuwii dhaawacmay ay goobta ka qaadeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah.
“Baabuur waxyaabaha laga soo buuxiyay ayaa goobta ka dhigay, wuxuuna qarxay xilli ay dad badan ku sugnaayeen dibadda maqaayadda Isi-saar iyo kaalin shidaal oo goobta ku yaalla, dad badan oo dhintay iyo kuwo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan ayaan goobta ku arkay,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa.
Sidoo kale, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay gellinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabteen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar laba casho ah ku aaday dalka Sucuudiga iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo isna ka Qayb-galay Shirkii QM ee lagu qabtay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Ugu dambeyn, Inkastoo aysan jirin cid sheegatay weerarkan, ayaa haddana inta badan weerarrada noocan oo kale ah, waxaa mas’uuliyadoda sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee caawinaya.
PUNTLAND POST