Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliand oo geeriyooday

Allaha u naxariistee, Xildhibaan CabdiraxmaanTalyanle oo kamid ahaa Golaha wakiiladda maamulka Somaliland ayaa ku geeriyooay waddanka Hindiya.

Xildhibaankaan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Hindiya oo uu u joogay hawlo caafimaad.

Cabdiraxmaan Talyanle waxa uu dhowaan kursiga guddomiyaha barlamaanka Maamulka Somaliland kula tartamay Baashe Maxamed Faarax oo hal cod kaga guulaystay cod gacan taag ah oo loo qaaday.

Dhanka kale Madaxda maamulka Somaliland ayaa Tacsi ka dirtay geerida ku timid Allaha u naxariistee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

PUNTLAND POST