Kooxo hubeysan oo watay gaari kuwa raaxadda ah ayaa gaari kale waxa ay ku rasaaseeyeen Waddada Via Roma ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa la sheegay in ay leedahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe kaas oo marayay degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.
Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay hal qof oo kalane wuu ku dhaawacmay kadib markii Kooxda hubeysan ay rasaas ku furtay Gaariga, sida goob-joogayaal ay u sheegeen Warbaahinta
Laamaha amaanka degmada Xamar-weyne ayaa xaqiijiyay in ay dhinteen Canab C/laahi Xaashi oo ka tirsaneed Ururka Haweenka iyo Axmed-Shihaab Jaamac oo ahaa Wiilka Gudoomiyaha Ururka Batuulo Axmed Gaballe, ayna wadaan baaritaano ku aadan siduu weerarkaan u dhacay.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyada weerarka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.
Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah.
PUNTLAND POST