Gobolka Kurdistan ee Dalka Ciraaq oo madax-bannani u codeeyey.

Guddiga sare ee aftida madax-bannaanida gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq ayaa shaaciyey natiijada cod-bixintii Isniinti laga qabtay gobolka,taasoo guddigu sheegay in 92% loo codeeyey madax-bannani,xilli ra’iisulwasaaraha dalka Ciraaq uu wacad ku maray in uu ilaalin doono midnimada dalkiisa.

Guddiga ayaa sheegay in%92.73dadka codeeyay ay taageereen madax-bannaani,halka %7.27 ay diideen,sidoo kalena %1.21 codadkii la dhiibtay ay xumaadeen,,waxayna aftida ku tilmaameen”mid si guul ah ku dhammaatay”.

Aftida ayaa laga qabtay saddexda gobol ee uu ka koobanyahay maamulgoboleedka Kurdistan,iyadoo ay codeeyeen ku dhowaad 4 malyan ruux,waxaana markii natiijada lagu dhawaaqay damaashaadka bilowday dhammaan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi oo ay ku jiraan degaannada lagu muransanyahay.

shacab faro-badan oo ruxaya calanka Kurdistan iyo sawirka madaxwenaha gobolka Masoud Barzani,ayaa waddooyinka buuxiyay,waxaana loo shiday sameecado waaweyn oo ay ka baxayan heeso waddani ah.

wax yar kadib markii natiijada la shaaciyey ayaa Baarlmanka Ciraaq kulan deg deg ah yeeshay,wuxuuna ra’iisulwasaaraha dalka Haider al-Abadi ka dalbaday”in uu qaado tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo midnimada dalka”oo ay ku jirto in uu ciidan u diro degaannada lagu muransanyahay ee gobolka Kurdistan.

Dhankiisa ra’iisulwasaare Al-Abadi ayaa Baarlamanka ka hor sheegay in aanu jiri doonin dagaal dhex mara dadka reer Ciraaq,laakiin wuxuu intaas raaciyey in ay ilaalinayan midnimada dalka,isagoo ku baaqay in la’laalo natiijada aftida oo wada-xaajood lagu baddelo.

Dalalka Turkiga iyo Iran ayaa iyaguna qaaddacay natijada soo baxday,waxayna bilaabeen dhoolo-tus ciidan oo ay ka bilaabeen xadka ay la wadaagaan gobolka Kurdistan,sidoo shirkadaha diyaaradaha dalalkaasi ayaa gebi ahaanba joojiyey duullimaadyadii ay ku tegi jireen kurdistan.

dadka Kurdishka ah ayaa dega gobollo kamid ah Turkiga,iyo Iran,waxaana labadaasi dal u arkaan aftida laga qabtay Ciraaq in ay horseedi karto,kacdoon ay sameeyaan Kurdishka kale,taasoo ay ku dalbanayan go’i’taan.

PUNTLANDPOST

W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar