Boqorka Sacuudiga oo fasaxay in haweenku gawaarida wadaan

Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdicasiis ayaa soo soo saaray amar rukhsad u siinaya haweenka dalkaasi in ay gawaarida wadaan, taasoo meesha ka saaraysa muddo dheer oo haweenka Sacuudiga aay mamnuuc ka ahayd in ay gawaarida kexeeyaan,waxaana markiiba go’aanka soo dhoweeyey Maraykanka oo ku tilmaamay”tallaabo weyn loo qaaday dhinaca saxda ah”.

Sidoo kale hay’adaha xuquuqda dumarka ayaa si weyn u soo dhoweeyey,waxayna sheegeen in weli xuquuq badan ka dhimman-tahay haweenka Sacuudiga,balse ay u riyaaqsan yihiin go’aanka loogu fasaxay gaadiid wadidda.

Boqorka ayaa sheegay “in markii uu la tashaday culimada waaweyn ee dalka ay u soo bandhigeen go’aankooda,islamarkaana ay tilmaameen in diinta islaamka aanay ku hayn daliil dumarka ka mamnuucaya darewalnimada,sidaasi darteedna uu amar ku bixiyey oo loo fasaxo”.

Amarka uu soo saaray boqor Salman ayaa lagu caddeeyey in haweenka iyo raggu ay u siman yihiin shuruucda waddooyinka iyo shatiyada gaadiidka,balse waxaa shardi laga dhigay in haweeneyda gaariga wadaysaa ay asturantahay.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in la sameeyey guddi heer sare ah oo loo xil saray talo-siinta haweenka gaadiidka wadaya muddo 3o beri ah laga bilaabo salaasadii maanta ee go’aankani soo baxay.

Sacuudiga ayaa lagu eedeeya in uu ku tunto guud ahaan xuquuqda aadanah,gar ahaanna tan haweenka,waana dalka keliyah ee caalamka ay mamnuuc ka ahayd haweenkiisa in ay gawaarida wadaan,waxaana dhowaan si xoogleh loo cambaareeyey wadaad u dhashay dalkaasi oo sheegay in aan haweenka loo ogolaan gawaarida,maadaama uu ku tilmaamay”kuwo caqligoodu dhimman-yahay.

PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar