Xildhibaano Sheegay in ay Xilkii ay Ka Qaadeen Madaxweyne Xaaf

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo galabta kulan ku yeeshay magaaladda Cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulkaas ayaa ka dooday xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug.

Axmed Yuusuf Ciyow oo si KMG ah u shir Gudoominayay kulanka Xildhibaanada Galmudug ayaa Sheegay in 52 Xildhibaan ay Kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Xaaf, wuxuuna intaasi ku daray in Xilka Madaxweynaha Galmudug uu si KMG u sii heyn doono Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Maxaliga ah  Simba ee Magaaladda muqdisho  ayaa sheegay In go’aanka ay qaateen xildhibaanada Galmudug uu yahay mid saxan islamarkaana uu isaga yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka galmudug, balse ay xildhibaanda doorteen Gudoomiye howsha sii wada.

 

QODOBKA 52AAD

XIL-KA-QAADISTA MADAXWEYNAHA DAWLAD-

GOBOLEEDKA

1.      Madaxweynaha Dawladda ahna Guddoomiyeha Golaha Wasiirrada waxaa xilka lagaga qaadi karaa khiyaano Qaran, xil-gudasho-waa iyo ku-xadgub Axdiga Dawladda Galmudug.

  1. Golaha Wakiilladu, markii ay u codeeyaan kuna aqbalaan 2/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada ayaa eedayn lagu soo oogi karaa Madaxweynaha.

PUNTLAND POST