Wasiirrada Galmudug oo soo dhaweeyay Go’aankii uu Madaxweynahoodu ka Qaatay…

Cadaado (PP) ─ Kulan ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Galmudug oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmad Ducaale Geele Xaaf, ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado, Caasimadda ku-meel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Galmudug. Shirkan ayaa looga hadlayay arrimahan:

  • Go’aankii Madaxweynuhu ka qaatay khilaafka Dowladaha Khaliijka ee uu ku taageeray isbahaysiga ay horkacayaan Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
  • Amniga deegaannada Galmudug guud ahaan gaar ahaan ka Caasimadda ku meel-gaarka ah ee Cadaado.
  • Dar-dar-gelinta howlaha horyaala Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa warbixin dheer ka siiyay Golaha Wasiirada go’aankii uu ka qaatay khilaafka dowladaha khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga dowladaha Sacuudiga, Emaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn, isagoo xusay in uu taageeray halka ay ku jirto danta shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shacabka Galmudug, isagoo is bar bar dhigay waxtarka ay noo kala leeyihiin wadamada aan kor ku soo sheegnay iyo dowladda Qadar.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay sida ay muhiim u tahay sugidda amniga degaanada Galmudug guud ahaan gaar ahaan amniga Cadaado iyo in Golaha wasiiradu dar-dar geliyaan howlaha u yaala.

Dood iyo falanqayn dheer kaddib, Golaha Wasiirada Galmudug, waxay isla garteen qodobadan:

  1. In Golaha Wasiirada Galmud ay taageraan Go’aanka Madaxweynaha Galmudug ku taageeray Isbahaysiga ay horkacayaan dowladaha Sacuudiga iyo Emaratka, waxayna goluhu codeyn gacantaag ah ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah go’aanka madaxweynaha.
  2. Goluhu waxay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in amniga ay adkeeyaan hay’adaha aminigu, kana hortagaan dhaq-dhaqaaq kasta oo khatar ku ah amniga.
  3. In laga howlgalo sidii loo gaarsiin lahaa deeqaha gar-gaarka ee yaala dadka tabaalaysan ee abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ugu dambeyn, Go’aanka Golaha Wasiirrada Galmudug ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu maamulka Galmudug ka dhex aloosan yahay khliaaf aad u weyn oo ka dhashay taageerada madaxweynaha maamulkaas ee Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, uuna kaga soo horjeestay Dowladda Qatar.

PUNTLAND POST