Somaliland oo lagu eedeeyay in Kumanaan Oromo ah ay ka Barakicisay Deegaannadeeda

Addis Ababa (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa ku eedeysay maamulka iskiis isku magaccaabay ee Somaliland inay deegaannadooda ka barakciyeen in ka badan 3,000 oo Oromo ah, kuwaasoo muddo dheer ku noolaa halkaas.

Barakicintan ayay dowladda Itoobiya sheegtay inay ka dhalatay kaddib markii ay dhawaan isku dhaceen Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida wada deggan dalka Itoobiya, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 40-qof oo Soomaali ah.

“Maamulka Somaliland waxay deegaannadooda kasoo barakicisay 3,000 oo qof oo Oromo ah, taasoo salka ku haysa dagaal kooban oo Soomaalida iyo Oromada ku dhexmaray gudaha Itoobiya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Negeri Lencho oo wariyeyaasha kula hadlay shalya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray in shaqaaqadii bishan bilowgeedii ka dhacay deegaanka Hawaday ee gobolka Oromada Itooiya ay saameysay wada-deggenaashihii labadan qowmiyadood ee Itoobiya kuwada nool.

“Waanu ka xunnahay in Qowmiyada Oromada ee ku dhaqan Somaliland loo beegado xurgufta colaadeed ee bishan horraateedii dhacday,” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya.

Qul-qulatooyinkii ka dhacay deegaanka Oromiya ee dalka itoobiya ayaa ku qasbay kumannaan qof oo Soomalai iyo Oromo ah inay guryahooda uga cararaan cabsi ay ka qabaan in la beegsado.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo hadalka kasoo yeeray Itoobiya ee ah in Somaliland ay barakicisay kumannaan Oromo ah oo deegaannadooda ku noolaa, basle uu ka hadli doono markii arrintaan la xaqiiyo.

PUNTLAND POST