Saddex kamid ah ciidanka Israa’iil oo la dilay

Saddex askeri oo ka tirsan ciidanka israa’iil ayaa ku dhintay,mid kalena waa ku dhaawacmay,rasaas  uu ku furay nin hubaysan ka hor intaan isagana la toogan,meel u dhow magaalada Quddus,sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in ninka hubaysan weerar kedis ah ku qaaday ciidanka,taasoo keentay in ay dhintaan saddex askeri,halka mid kalena dhaawacmay,balse waxay tilmaameen in markii dambe la toogtay shakhsigaasi oo ay ku sifeeyeen argagxisiso.

saaraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in aan weli la aqoonsan shakhsiga weerarka qaaday,laakiin uu baaritaan socdo,mana jirto koox ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.

Marar badan oo hore ayaa sidaan oo kale loo beegsaday ciidanka Israa’iil ee ku sugan dhulka reer Falastiin,waxaana lala xiriirinayaa carada falastiiniyiinta ee ku aaddan dhulkooda la haysto iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay kala kulmaan ciidanka Israa’iil ee ay kamid tahay;xabsiga,jir-dilka iyo guryahooda oo laga dumiyo.

Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar