Mareykanka oo Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ugu deeqay Gaadiid Gaashaaman

Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Somalia ku sugan ayaa ciidamada Uganda ee ka tirsan hawl-galka AMISOM maanta ku wareejiyay 19 gaadiidka gaashaaman ee casriga ah, kuwaasoo qayb ka noqon doono dadaalka lagu xoojinaayo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Jen. Miguel A. Castellanos oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Somalia ka hawl-gala ayaa deeqdaan ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM, Jen. Muhanga Kayanja.

Sidoo kale, Jen. Castellanos ayaa ku celiyay ballan-qaadka Mareykanka ee ku aaddanaa Xoojinta Dagaalka lagula Al-Shabab, isagoona balan qaaday in dhawaan Mareykanka uu soo gaarsiin doono AMISOM taageero ciidan si loo wiiqo awooda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada Uganda ayaa waxay qayb ka yihiin ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Somalia ka hawl-gala, iyagoo sidoo kalena ahaa ciidamadii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee la keeno Soomaaliya.

 

PUNTLAND POST