Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga ayaa aheyd mid todobaadkii la soo dhaafay la hadal hayay, inkastoo madaxtooyadda Soomaliya ay ka gaabsatay.
Wararka ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha ee Sacuudiga oo ah tii 3-aad uu ku tago, tan iyo markii la doortay, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo xaalado siyaasadeed oo aad u cakiran uu ka jiro Soomaaliya iyo Khaliij-kaba.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya gudaha dalka iyo Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xiriirka u jaray dalka Qatar.
Sidoo kale qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dhowaan ka hor-yimid go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, waxayna la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.
PUNTLAND POST