Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga afrika ee amisom Somaliya ayaa isaga baxay deegaanka Tarako oo dhaca gobolka gedo ee koonfur galbeed dalka soomaaliya.
Ciidamada kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka ayaa gabaldhicii shalay u dhaqaaqay dhanka degmada ceel-waaq halkaasi oo ay uga horreeyeen kumanaan askari oo arbacadii lasoo dhaafay isaga baxay degmada baardheere ee isla Gobolka gedo.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka tarako ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaanka waxayna baaritaano ka sameeyeen saldhigyadii ay isaga guureen ciidamada kenya.
Waa saldhigii labaad ee ciidamada kenya isaga baxaan bishaan gudaheeda kadib markii ay dhawaan isaga baxeyn saldhigii ugu weynaa ay ku lahaayeen degmada baardheere ee Gobolka Gedo.
PUNTLAND POST