Cali Gacal:-“Madaxweyne Xaaf ayaa Xabsi Guri naga dhigay”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa  si kulul uga hadlay arimo ku cusub Madaxtooyada Maamulka Galmudug.

Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Ciidamadii NISA laga saaray Madaxtooyada Galmudug laguna bedelay Ciidamo kale oo aan la garaneyn oo ka amar qaata Madaxweyne Xaaf.

Waxa uu tilmaamay in la Xanibay Socdaalkooda loona diiday inay Madaxtooyada ka baxaan arintaasi oo keentay in Gudomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ay la xiriiraan Dowlada dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamul Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir oo si caro leh u hadlay ayaa sheegay in wixii loo geysto isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Xaaf.

Xiisado Colaadeed ayaa ka taagan Magaalada Cadaado ee Dowladd Goboleedka Galmudug,waxaana Ciidamada NISA ay ku dhow yihiin Madaxtooyada kuwaasi oo isku dayaya inay bedbaadiyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

PUNTLAND POST