Waare:-“Deg-deg ayaa loo furi doonaa Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Beledweyne”

Madaxweynaha  Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare   oo gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan ayaa sheegay  in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo furi lahaa wadooyinka Go’aadan.

Madaxweyne Waare ayaa ka dhagaystay maamulka Degmada Jalalaqsi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmadas baahiyaha ugu  daran ee haysta iyo xaaladooda nololeed iyo mid amniba.

Waxgaradka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan  ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ka codsaday inuu ka caawiyo helida goobo Caafimaad Iskuulo Waxbarasho.

Sidoo kale codsiga loo gudbiyay Madaxweyne Waare ayaa waxaa ka mid ahaa in bulshada Jalalaqsi ay helaan wadooyin xor ah oo ay ku tegi karaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa  sheegay in marka hore loo baahan yahay ina la furo wadada laamiga kadibna loo gudibi doono sidi wax looga qabanaha ariimaha kale ee ka jira degmada jalalaqsi.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ka dalbaday  Hay’adaha Samafalka Iyo Dowlada federaalka  inay ka qeyb qaatan caawinta dadka dhibaateysan islamarkana deegankoodii ay go’doomiyeen Al shabaab.

PUNTLAND POST