Milan (PP) ─ Kooxda ugu kharashka badan sannadkan ee AC Milan oo ka dhisan dalka Talyaaniga, ayaa jab kala soo laabatay magaala xeebeedka Genoa, kaddib marki ay 2-0 ku lumisay kooxda Sampdoria oo ay marti u aheyd, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Talyaaniga.
Labada gool ee ay kooxda Sampdordia ku badisay oo yimid qaybtii dambe ee ciyaarta, ayaa waxaa kan hore saxiixay Duvan Zapata.
Duvan Zabata ayaa goolka uu dhaliyay wuxuu ahaa mid uu madaxa ugu baasay cayaaryahanka Cristian Zapata oo difaaca uga ciyaara Milan kaasoo inta uu kubadda iska bixi lahaa u baasay Duvan oo weerarka uga ciyaara Sampdoria, goolka labaadna waxaa dhammaadkii cayaarta dhaliyay Ricky Alvarez oo beddel kusoo galay.
Waa guul darradii labaad oo Milan soo gaarta tan iyo marki uu bilowday xilli ciyareedka cusub ee horyaalka Seria A. Dhawaan ayaa waxaa 4-1 ku garaacday Lazio.
Ciyaaraha kalana, Inter Milan waxay 1-0 uga badisay kooxda Genoa. Goolka guusha waxa u saxiixay Danilo D’Ambrosio.
Cagliari 0 – 2 ChievoVerona
Crotone 2 – 0 Benevento
Hellas Verona 0 – 3 Lazio
Inter 1 – 0 Genoa
Sassuolo 0 – 1 Bologna
Fiorentina 1 – 1 Atalanta.
Dhanka kale, Sabtidii ayay kooxda Napoli waxay 3-2 ku garaacday kooxda SPAL. Juventus waxay 4-0 isaga reebtay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Torino, halka Roma ay 3-1 ku dubatay Udinese.
Ugu dambeyn, Horyaalka Talyaaniga waxaa isla hogaaminaya Juventus iyo Napoli oo leh min 18 dhibcood, waxaa kusoo xiga Inter oo leh 16 buundo. Kaalinta afraad waxaa ku jirta Lazio oo leh 13 dhibcood, waxaa afraad wada degan Milan iyo Roma oo leh min 12 dhibcood.
Xigasho VOA
PUNTLAND POST