Donald Trump oo kordhiyay xayiraaddii uu horay ugu soo rogay dalal ay ku jirto Somalia

Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa kusoo daray xayiraaddii uu dalkiisa uga mamnuucay inay soo galaan muwaadiniin u dhalatay dalalka Islaamka, isagoo hadda ka dhigay siddeed waddan.

Lixdii dal ee horay xayiraadda dhanka safararka ah loo saaray ayaa kala ah; Iiraan, Liibiya, Suuriya, Suudaan, Yemen iyo Somalia, waxaana laga saaray Suudaan, iyadoo lagu soo daray dalalka kala ah; Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela,

Xayiraadda cusub ee socdaalka oo uu saaray Madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxay dhaqangaleysaa 18-ka bisha Oktoobar ee sannadkan 2017-ka.

“Madaxweyne ahaan, waa inaan u dhaq-dhaqaaqaa ilaalinta ammaanka iyo danaha Mareykanka iyo dadkiisa, ilaalinta amniga waa mudnaanta koowaad, si taasi loo gaaro waa in uu yimaadaa isbeddel,” ayuu yiri Donald Trump.

Sidoo kale, Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dalalkan ay diideen in ay Mareykanka la wadaagaan xogta ku saabsan Argagixisada iyo Arrimo kale oo aan la shaacin.

Dhanka kale, Ku dhawaaqista go’aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarkii uu muwaadiniinta lix waddan oo Muslim ah uga mamnuucay inay Mareykanka galaan.

Ugu dambeyn, Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo CAIR, ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku Tilmaamay qayb ka mid ah ajandayaasha foosha xun ee kooxaha caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.

PUNTLAND POST